Thursday, April 30, 2026
HomeWararDibaddaDaadad qaaday keydka dalaga Beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose

Daadad qaaday keydka dalaga Beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheega qaar ka mid ah degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka uu saameen ku yeeshay Roobabkii ka da’ay guud ahaan dalka.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay deegaano hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose u uku fatahay wabiga, halkaas oo ay ka dhasheen daadad qaaday qaar ka mid ah Beeraha, isaga oo xusay deegaanada Sabiib, Canoole iyo Mareerey ay fatahaaddu ka dhacday.

“Dadka Shabeelaha Hoose dalaga ay fashaan waxa ay ku keedsadaan Baqaaro oo dhulka Hoostiisa ah, waxaa qaaday Biyihii daadadka, sidoo kale xoolihii deeqsinkooda waxaa saameen ku yeeshay fatahaadihii ay keeneen Roobabka,” sida uu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlayey warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in deegaano kale oo hoosyimaada Marka iyo Qoryooley ay fatahaadu ka dhacday.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa mara wabiga Shabeelle, waxa uuna ka mid yahay gobollada aad looga cabsi qabo in ay ka dhacaan fatahaada, maadaama gobolkaan uu yahay gobolka ugu badan ay ka yimaadaan qudaarta dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe