Thursday, June 18, 2026
HomeWararDibaddaMidowga Yurub 20 milyan oo Yuuro ah oo ku taageeray miisaaniyadda Soomaaliya

Midowga Yurub 20 milyan oo Yuuro ah oo ku taageeray miisaaniyadda Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €89.5 milyan oo Yuuro ah, oo €20 milyan oo kamid ah loogu talagalay in lagu taageero miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee la meel mariyay.

“Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya. Maalgelintan waxaan ugu talo galnay in aan wax kaga qabanno dowlad-dhisidda Soomaaliya, annagoo eegayna mudnaanta siyaasadeed iyo khataraha imaan kara,” ayay tiri Jutta Urpilainen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa ka mahad celiyay taageeradan Midowga Yurub, isagoo sheegay inay tani xoojinayso iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyo in la sii horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-dhisidda dowladnimada.

Taageeradan uu ku dhawaaqay Midowga Yurub, ayaa kusoo beegantay, ka dib markii xalay golaha wasiiradda Soomaaliya ay meel mariyeen ku talo galka miisaaniyadda dowladda ee 2024.

Miisaaniyadda dowladda ayaa gaartay hal bilyan oo dollar. Dowladdu waxay sheegtay inuu jiro koror ku yimid dhinaca dakhliga gudaha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe