Muqtaar Maxamed Isaaq oo ka mid ahaa dagaalamaayasha As ayaa isu soo dhiibay qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.
Horjooge Muqtaar ayaa sheegay in uu alshabaab ka tirsanaa laba sana iyo bar, isagoo kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool.
Muqtaar Maxamed Isaaq ayaa sheegay in aysan jirin cid ku qalqaalisay ka mid noqoshada Shabaab, haatanna uu si iskiis ah ugu soo baxay.
Xubintaan la tirsanaa As ee isu soo dhiibay Ciidanka Dowladda ayaa sidoo kale waxaa uu farriiin u diray saaxiibadiisa ka tirsan As, isagoona ugu baaqay in ay isaga soo baxaan.
Muqtaar waxaa uu As u qaabbilsanaa qaybta Jabhadda ee gobolka Bokool.

