Saturday, June 20, 2026
HomeWararDibaddaGuddoomiye Madaale oo xarig jaray dhismaha waddada Via Liberia ee degmada Waabari{sawiro}

Guddoomiye Madaale oo xarig jaray dhismaha waddada Via Liberia ee degmada Waabari{sawiro}

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray dhismaha waddada Via Liberia ee degmada Waabari oo dhawaan lagu dhisay isku tashiga reer Waabari iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal dollar.

Munaasabadan Xarigjarka ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalinta D.H.X iyo maamulka degmada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay u kacaan horumarinta magaalada iyo ilaalinta nabadgalyada.

May be an image of 10 people, street and road

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa July 15, 2023-ka dhagaxdhigay dhismaha waddadaas oo isku xista Isgoyska Shaqaalaha illaa waddada 21 October ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Waddadaan ayaa muhiim u ahayd isusu socodka gaadiidka Bulshada degan degmada Waaber, iyaga oo horay dhib ugu qabay marista waddadaan, waxaana hadda muuqata in isbadal dhanka dhismaha laamiyada ay xawli ku socdaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe