Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka dowladda oo As kala wareegay deegaan ka tirsan gobolka Bakool

Ciidanka dowladda oo As kala wareegay deegaan ka tirsan gobolka Bakool

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 260-aad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaano hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka xoogiisa ka fuliyay deegaanka Eel boon oo qiyaas ahaan 40 KM dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan magaalada Waajid, halkaas oo mudooyinkii dambe ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda As.

Taliyaha Ururka 260-aad ee guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhame Onkod Macalin Aadan ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in  deegaanka Eel boon ay si rasmi ah ugala wareegeen kooxdii shabaab ee halkaas ku sugneyd.

Taliye Onkod ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay kusoo furteen hub iyo gawaari ay u isticmaalayeen kooxda Shabaab dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaanka Eel boon.

Wuxuu sidoo kale xusay taliyaha inuu sii socon doono howlgalka noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan goobaha As ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe