Friday, May 1, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iso Qorshe culus oo socda.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iso Qorshe culus oo socda.

kasta oo wax ka gala dagaalka As.

Xasan Sheekh ayaa shalay Xudur kaga dhawaaqay dagaalka kooxda, isagoo warbaahinta u sheegay inuu Koonfur Galbeed ugu tegay dad aad u abaabulan oo u baahan in lagu hoggaamiyo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Xudur ka sheegay inuu ku laaba doono Dhuusamareeb, isla markaana maalmo kooban gudahood ay kooxda ku soo dhaafi doonaan galbeedka Hiiraan, si loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka oo lagu xorey doono K/Galbeed iyo Jubbaland.

Sidoo kale xog ay  ka heleyso  warbaahinta safarada qorsheysan ee Madaxweynaha waxay sheegeysaa in seddax maalmood kadib uu Yurub u safri doono, isla markaana uu toos mar kale ugu laaba doono Dhuusamareeb.

Saldhigga hoggaaminta dagaalka Gobollada Dhexe ayuu Maxaxweyne Xasan Sheekh ka dhigtay Dhuusamareeb, dagaalka ugu adag ayaa kooxda uga furan Galmudug, koonfurta gobolka Mudug ayay ka gadaalamayaan maalmahaan, waxaana dowladda u qorsheysan in muddo kooban ay ku soo afjarto Shabaab-ka weli ka dagaalamaya Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe