Monday, April 27, 2026
HomeWararDibaddaMW Xasan Sheekh oo gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

MW Xasan Sheekh oo gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay si heer sare leh ugu soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay go’doomiyeen ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Magaalada Xudur waxaa Madaxweyaha ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgarad, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe