Sunday, November 8, 2026
HomeWararDibaddaCadaado:wariyaal tababar lagu furay magalada Cadaado.

Cadaado:wariyaal tababar lagu furay magalada Cadaado.

Wasaarada warfaafinta dowladda Galmudug oo tababar u furtay iwariyaasha ka Howl gala Magalladda Cadaado.

Tababarkan oo ku saabsan doorka warbaahinta ee dowlad wanaagga

Waxaana Tababarkaan wasaarada warfaafinta Galmudug ka taageeray Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Somalia “Unsom.
waxaa ka faa’iideysan doona inta badan wariyaasha magallada cadaado oo ka kala socda Idaacadaha magaalada iyo kuwa madaxa banaan, waxaana furitaanka tababarka qaybgalay guddoomiyaha degamda Cadaado Faarax Diiriye Warsame, agaasimayaasha idaacadaha degmada Cadaado ku yaal, agaasimayaal ka tirsan wasaarada warfaafinta Galmudug iyo marti sharaf kale.

Mudane Abshir Daahir Shiiqow wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Galmudug ayaa xusay in tababarkan uu daba joogo tababarro dhowr ah oo horay loogu qabtay qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, islamarkaana la doonayo in wariyaashu ay fahmaan doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta nidaanka dowladeed iyo in bulshada loo fududeeyo la xisaabtanka dowladda.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo wafdiga ka socday wasaaradda ku soo dhaweeyey Cadaado ayaa xusay in tababarkan uu kaalin muhiima ka qaadan karo sare u qaadista wacyiga wariyaasha, si ay arrimaha danta guud xoogga u saaraan.

Xasan Abdirahmaan Aden (Fantastic) agaasimaha waaxda tababarada ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiis Galmudug ayaa xusay in tababarkan looga gol leeyahay kobcinta garaadka wariyaasha, si ay uga qayb qaataan dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka, iyadoo loo marayo xirfadda saxaafadda.

Agaasimaha Idaacadda Codka Gobolada dhexe Maxamuud Cabdi Diirshe ayaa soo dhaweeyey tababarkan, waxaana uu wasaaradda waxbarashada Galmudug uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixisay sare u qaadista xirfadda wariyaasha degmada Cadaado.

Waxaa kaloo ayaguna kalmado Qiima badan ka jeediyay Ururka Haweynka Degmada Cadaado.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe