In ka badan Hal milyan oo ruux oo qayb ay ka yihiin Carruur ayaa 24saac gudahood ka barakacay Waqooyiga Magaalada Gaza kaddib markii ciidanka Israaiil ay kordhiyeen duqeynta ay ka geysaneyso Magaaladaas.
Sarkaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalka sii socda uu sababay dhimasho, dhaawac, Burbur iyo Barakac aan xadidneen oo ay sameynayaan qoysaska degen dhinaca Waqooyi ee Magaalada Gaza.
Ciidanka Yuhuudda ayaa duqeyn aan loo meel dayin ku garaacaya Dhulka Falastiin halka Falastiiniyiintu ay sheegeen in ay iska caabbin xooggan kala hortageen ciidankaan duulaanka ku ah waa sida hadalka loo dhigay.
Xeryaha ay ku sugan yihiin Dadka Barakacayaasha ah, Goobaha Waxbarashada, Guryaha Dadka Rayidka ah & meel weliba oo gabbaad u ahayd Dadka Falastiin waxaa duqeyn xooggan ku garaacaya askarta Israaiil.
Dagaalka ka dhex aloosan Falastiin & Israaiil ayaa xooggiisa billowday todobaadkaan gaba-gabada ah gaar ahaan 7dii Oktoobar 2023 waxaana ciidanka Yuhuudda laga qabsaday Saraakiil, Askar iyo Dad Shacab ah.

