Guddoomiye hore Mursal, wuxuu sheegay madaxweyne Lafta Gareen muddo hal sano oo loogu daray muddo xileedkiisa oo la rabay inuu la dagaalamo Alshabaab, in aanu hal talaabo horey u qaadin. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu diiday inuu qeyb ka ahaado kacdoonka ka socda dalka ee Shabaab dalka looga xoraynayo.
Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka wuxuu sheegay in Lafta Gareen uu jebiyay heshiiskii uu ku saxiixay magaaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay inuusan maanta hal KM bannaanka uga bixi karin magaalada Baydhabo.

