Thursday, July 23, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada Kenya oo 5 tirsan Asku dilay weerar ka dhacay gobolka Gaarisa

Ciidamada Kenya oo 5 tirsan Asku dilay weerar ka dhacay gobolka Gaarisa

Weerar lagu qaaday fariisin ay kooxda As ku lahayd deegaanka Xarboole-Faafi ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo Shabaab ah, waxaana laga soo furtay Walxaha Qarxayada laga sameeyo, dawooyin iyo agabyo kale duwan.

Ciidamada Kenya oo helay xog sirdoon ayaa weerar ku qaaday goobta la rumaysan yahay in ay ka mid tahay xerooyinka saadka ee kooxda As.

Waxaa la rumeysan yahay in saldhiggan loo isticmaalo sameynta walxaha qarxa ee lagu aaso waddooyinka muhiimka ah ee Gaarisa iyo degmada Lamu, si loogu bartilmaameesado ciidanka amniga.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay bilowday howlgallo xooggan oo ay kula dagaalamayso Alshabaab, kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya ismaamulada Lamu iyo Garissa.

Axadii lasoo dhaafay, As ayaa miinooyin ku aasayay agagaarka deegaanka Bodhei-Majengo oo ku teedsan wadada Milimani iyo Baure ee gobolka Lamu, halkaasi oo ay ku dileen tiro ka tirsan ciidamada difaaca Kenya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe