Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalinimadii shalay shirguddoomiyey kulankii ugu dambeeyey ee kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in uu Baarlamaanka xirmay.
Inta uu furnaa kalfadhiga saddexaad Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay yeesheen 26 kulan, iyaga oo kulamadaas ay uga doodeen hindiso sharciyeedyo ay u soo gudbisay Xukuumadda iyo su’aalo waydiin qaar ka mid ah golaha Wasiirrada.
Kulan wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey ku noqoshada Miisaaniyadda Sanadka 2023-ka taas oo Wasaaradda Maaliyadda ay horgeysay labada Aqal, iyada oo ugu dambeen uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale kalfadhigaan ayaa Golaha waxa ay meel mariyeen saddex Hindise sharciyeed oo kala ah; Hindise Sharciyeedka Hanti dhawrka guud ee Qaranka kaas oo ay ansixiyeen Golaha Aqalka Sare waxa uuna ka mid yahay shuruucda uu Madaxweynaha loo gudbiyey kuwaas oo aan la saxiixin.
Labada sharci ee Golaha uu meelmariyey loona gudbiyey Golaha Aqalka Sare ayaa kala ah; Hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liitirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo doonka kaas oo maalnimadii shalay la ansxiyey.
Sida ku xusan khudbaddii uu shalay jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa jira afar Hindise sharciyeed kuwaas oo sugaya akhrinta labaad, waxa ayna kala yihiin; Hindise Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaalieed.
Sidoo kale waxaa jira shan Hindise Sharciyeed ee sugaya akhrinta koowaad, waxa ayna kala yihiin; Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka Hay’adda adeedyada Baaritaanka iyo Sharciyeynta, Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhirbeereedka iyo Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka.
Ugu dambeen Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Golaha kalfadhigaan loo soo gudbiyey Heshiisyo kuwaas oo maray akhrinta koowaad, waxa ayna kala yihiin; Heshiiska Asaasidda Ciidama heeganka ah ee Bariga Afrika iyo Heshiiska Dhismaha Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika.

