Sunday, July 12, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas kana bilaabaya abaabul Dagaal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas kana bilaabaya abaabul Dagaal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ciribtirka Khawaarijta ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe