Monday, May 25, 2026
HomeWararDibaddaMaamulka SSC-Khaatumo oo sheegay in Feysal Cabdi Bootaan la dhigay xabsiga, lana...

Maamulka SSC-Khaatumo oo sheegay in Feysal Cabdi Bootaan la dhigay xabsiga, lana horgayndoono sharciga

Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in maxbuus Feysal Cabdi Bootaan ay la wareegeen laamaha amniga iyo cadaallada maamulka SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeed ay soo saareen hoggaanka Khaatuma waxay ku sheegeen in Feysal Cabdi Bootaan la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood.

Maamulka waxa uu sheegay in dhammaan maxaabiistii kale inta bad qabta la geeyey xabsiyada magaalada, kuwa dhawaaca ahna lagu daaweenayo cisbitaalada.

Hoggaanka Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka u sheegay in uu ilaalin doono xuquuqda maxaabiista sida ay qabaan diinta Islaamka, xeerarka dhaqanka Soomaaliyeed iyo qawaaniinta caalamiga ah.

Feysal Cali Bootaan ayaa ku eedeysan inuu masuul ka yahay madaafiicdii lagusoo garaacay magaalada Laascaanood, maadaama uu yahay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Somaliland ee aagga gobolka Sool.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe