Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee wajigiisa 1aad lagu wado in lagu soo gabagabeeyo Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle halka qaybta labaad laga billaabayo Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ isaga oo shaaciyay in uu dardargelinayo sidii looga gungaari lahaa howlgalladaas socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah sidii ‘AS’ looga qabsan lahaa deegaannada ay weli joogaan waa sida uu hadalka u dhigay.
Madaxda Dowlad-Goboleedyada ayaa dhankooda sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay in la taageero ciidamada howlgallada wada oo muujiyay awood xad-dhaaf ah sidaas awgeed aanay laga maarmin in la garab istaago.

