Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaDagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka socda degmada Ceel-afwayn ee...

Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka socda degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag

Dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan 5 qof iyo dhaawac 10 ka badan, ayaa maalintii labaad ka socda degmada Ceel-afwayne, ee gobolka Sanaag.

Sida uu Jiif Caaqil Ibraahin Ismaaciil Jaamac, oo kamid ah bahda dhaqanka ee Ceel-afwayne u sheegay muuqbaahiyaha Some News in ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyooday dagaal u dhexeeya dad deegaanka wada daga.

“Shalay khasaaruhu 5 qof ayay ahayd dhaawacuna dhowr iyo toban ayuu ahaa, maanta wali xabadu way socotaa oo lama oga khasaaraha” ayuu yidhi Jiif Caaqil Ibraahin.

Beelaha oo deegaanka wada daga, ayay dagaalo ku dhexmareen deegaankan sannadihii u danbeeyay iyada oo dhawr jeer heshiis la dhex dhigay, colaada ayaa markasta soo noq noqota, colaadan oo salka ku haysa aano qabiil.

Xukuumada Somaliland ayaa wakhtigan ku mashquulsan xaalada dagaal ee ka taagan gobolka Sool, isla markaana ma jiraan wax masuuliyiin xukuumadeed ah oo ilaa hada gaadhay deegaankan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe