Madaxda dalka ayaa siyaabo kala duwan uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galinkii dambe shalay ku dhintay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib markii ay duqeyn magaaladaas ka geesteen Ciidamada Somaliland.
Geerida Abwaanka oo mar qura wada qabsatay warbaahinta Soomaalida iyo Baraha Bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyada oo Ciidama Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilka Abwaanka xilli Siyaayiinta, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Gobolka Sool ay ku eedeeyeen dhacdaadaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Abwaan Jaamac Kadiye, isaga oo sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duqeymaha Somaliland ka fulinayaan Magaalada Laascaanood ay tahay wax aan la aqbali karin. Isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Dilalka iyo duqeymaha loo geysanaayo aqoonyahanka, Abwaaniinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ma ahaan wax laga aqbali karo maamulka Soomaaliland waana dambi iyo jariimo aad u weyn.”
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay geerida Abawaanka ayaa Alle u barbayay in uu jannadiisa ka waraabiyo, iyaga oo shacabka iyo qoyskii uu kabaxay Alle u waydiiyey in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa duqeynta ka socota Laascaanood ku sifeeyey mid cadawtinimo ah, mar uu arintaas ka hadlayay waxa uu yiri, “Duqeynta Somaliland ku laynayso haldoorka, birimageydada iyo guud ahaan Shacabka gobolka Sool, waxay muujinaysaa cadowtnimada maamulka Muuse Biixi u qabo dadka reer Sool, Mana ahan mid taasi la isaga hari doono. Waxaana ka tacsiyeeynaya dhammaan dadkii ku geeriyooday duqeyntaasi.”
Allaha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye waxa uu ku dhashay duleedka magaalada Laascaanood oo isaga oo ku jiray da’aadda 70-meeyada, abwaanka ayaa ka gabyi jiray idaacdihii Soomaaliyeed ee radio Muqisho iyo radio Hargeysa 1972-dii xilligaasi oo dadku ay si aad ah u barteen.
Abwaan Kadiye ayaa waxa uu gudbin jiray suugaan diini iyo dhaqanba leh oo isugu jirta Gabay guurow maanyo geeraar iyo kuwa kalaba, waxa uuna ku hadli jiray luuqadaha Soomaaliga Carabiga iyo Ingiriiska.
Abwaan Jaamac kadiye ayaa dagaalkii Soomaaliya Itoobiya ee 1977-dii waxa uu ka tiriyay gabayo badan oo uu Soomaalida ku wacyi gelinayo midnimo isagoo ku dhiirri gelinayay in ay isku duubnaadaan isla markaana muujiyaan wadaniyaddooda.
Allaha u naxariistee abwaan Jaamac Kadiye ayaa u baxay safarro badan oo xagga dibadda ah kuwaasi oo uu kaga qayb galay bandhig dhaqameedyo uu kusoo bandhigay suugaan badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed.

