Monday, June 22, 2026
HomeWararDibaddaXildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyey Hindise Sharciyedka Hantidhowrka guud ee Qaranka{AKHRISO}

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyey Hindise Sharciyedka Hantidhowrka guud ee Qaranka{AKHRISO}

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 19aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay soo xaadireen  142 Xildhibaan, ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa; Warbixinta Akhrinta 3aad iyo u Codeynta Hindise-Sharciyedka Hantidhowrka Qaranka iyo Qeybinta Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa xildhinaanada u akhriyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka waxa uuna sheegay in ay ku soo biiriyeen talooyinka iyo turxaanbixinta ay xildhibaanada ay soo jeediyeen Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Sidaasi darteedna uu ka codsaday in ay u codeeyan Sharcigaan.

Intaasi kadib waxaa la guda galay  u codeynta Hindise-Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Waxaana Haa ugu codeysay 135 Xildhibaan Waxaana diiday 3 Xildhibaan Waxaana ka aamustay 4 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Abshirow.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iiman Cige iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda  Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo munadayaasha la hadlay ansixinta kaddib ayaa u mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranku ayaa lagu sheegay in Hantidhawraha guud ee Qaranka uu mahadcelin mug leh u dirayaa Golaha Shacabka ee BJFS oo ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

“Tallaabo wanaagsan oo dhinaca toosan loo qaaday ayay u tahay Xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka ansixinta aqlabiyadda leh ee maanta Golaha Shacabka uu ku meelmariyey Hindise Sharciyeedka Hantidhowrka Guud oo ah Xeer diyaarintiisa dadaal badan la soo galiyay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka.

Hindisa sharciyeedkaan ay meel mariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in la horgeeyo Golaha Aqalka Sare, si ay u ansixiyeen kaddibna waxaa loo gudbin doona Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixi doona.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe