Tuesday, October 13, 2026
HomeWararDibaddaSaciid Deni oo Magacaabay 3 Xubnood oo kamid ah xubnaha Gudiga Doorashada...

Saciid Deni oo Magacaabay 3 Xubnood oo kamid ah xubnaha Gudiga Doorashada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga doorashooyinka maamulkaas, kuwaas oo la filayo in ay ka shaqeeyaan doorashada soo socota.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee 15-ka Agoosto 2023 kuna saabsan Magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC.”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland:-

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Gobaleedka Puntland Qodobkiisa 113-aad farqadiisa 1-aad xarafka (t)

Markuu arkay: Aqootooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC)

Markuu La-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC), kuwaas oo kala ah:

  1. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)
  2. Maxmed Abshir Garaad
  3. Maxamuud Soofe Xasan

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay ayaa lagu yiri Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe