Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaargarowgii ugu dambeysay ka sameysay howlgalka la dagaalanka ‘AS’ wajigiisa labaad si ay u qabsato deegaannada weli ka maqan gacanteeda.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo la kulmay Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dadka deegaanka la kulmay ayaa kala hadlay diyaargarowga dagaalkaas.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in diyaargarowgaan uu hordhac u yahay wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo ka ballaaran qaybtii 1aad waa sida uu hadalka u dhigay.
Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka socda abaabul xooggan oo lagu diyaarinayo ciidamada Federaalka, Daraawiishta iyo Dadka Deegaanka si ay duullaan ugu qaadaan Degmooyinka weli ay ku sugan yihiin ‘AS’.

