Wednesday, June 3, 2026
HomeWararDibaddaFaahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalamayaal ka tirsan kooxda AS ay ku qaaday deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Weerarka ayaa dhacay gabal dhacii shalay waxaana la tilmaamay in ilaa xalay fiidkii uu soo gaaray dagaalka halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa AS ee weerarka ku qaaday deegaanka Goofgaduud Buurey oo 30 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, hayeeshee wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saacadaha qaatay ee ka dhacay gudaha deegaanka Goofgaduud buureey.

Waa markii sadaxaad oo mudo 10 cisho gudahood ah ay kooxda AS weerar xoogan ay ku qaado deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah goobaha istaraatiijiga ee laga ilaaliyo amniga guud ee magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda ku meel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe