Waxaa sidii caqiidadii laguma xadgudbaan noqotay xuduudihii uu Gumeystuhu Afrika u sameeyay, waana sida uu qabo heshiiskii midowga Afrika (OAU) 1964-kii, ee Qaahira kaas oo ay dawladaha Afrika ku ballanqaadeen inay ixtiraamayaan oo ay ilaalinayaan xudduudaha gumaysiga ee jira.
Si kastaba ha ahaatee, sidii lagu soo bandhigay shirkii Addis ababa mar hore, dadka Pan-Afrikaanistayaasha ah ee aaminsan midnimada, awoodda, iyo barwaaqada Afrika waxa ay isku soo qaadeen inay caqli-gal tahay in hadda laga fiiro midnimada Afrika.
Wax badan ayaa dhacay tan iyo 1964-kii, kaliya waxaa lagu xad-gudbay go’aankaas kadib markii la dhisay Koonfurta Suudaan, laakiin ixtiraamka xudduudaha gumeysiga loo hayaahi waxba kama uusan qaban nabadda la’aanta iyo xasilloonidarrida Afrika ka jirta.
Taas beddelkeeda, xudduudaha gumaysigu waxay keeneen oo keliya dagaallo sokeeye, Xasuuq, iyo ugu dambeyntii, daciifnimada dawladaha Afrika oo aan awoodin inay xitaa daryeelaan dadkooda.
Sida uu mar hore soo jeediyay Osagyefo Kwame Nkrumah oo hadda ku jira quluubta dad badan oo Pan-Afrikanisteyaal ah, ayaa waxa uu leeyahay in, 30 milyan oo kiiloomitir oo laba jibbaaran iyo kala duwanaanshaheeda dhaqan ee weyn, Afrika dib loo habeyn karo oo laga dhigi karo 5 Dowlada-Federaal oo waaweyn.
Kuwaasina waxa ay noqon lahaayeen sida tan:-
- Qaramada midoobey ee Koonfurta Afrika (USSA),
- Xiriirka Bariga Afrika (EAF),
- Xiriirka Galbeedka Afrika (WAF),
- Xiriirka Waqooyiga Afrika (NAF), iyo
- Xiriirka Bartamaha Afrika (CAF).
Tani waxay abuuri doontaa 5 waddan oo baaxad leh oo leh dad iyo suuqyo aad u ballaaran celcelis ahaan, 300 milyan ilaa 500 milyan midkiiba marka la gaaro 2040-ka. Waana yeelashada awood lagu xakameyn karo kheyraadka dabiiciga ah, badeecadaha degdega ah, gaadiidka, xoog shaqaale oo ballaaran, siyaasado joogto ah oo lagu maamulo Federaalka Qaaradda Cagaaran.
Iyo sidoo kale awood u lahaanshaha xiriir laba geesood ah iyo mid dhinacyo badan leh oo macno leh oo lala yeesho quwadaha kale ee caalamiga ah sida Yurub, Mareykanka, Shiinaha Ruushka iyo Hindiya. Oo hadda ay la xiriiristoodu waddamada Qaaradda Afrika qaarkood u tahay riyo aan la gaari karin.
Tani waa aragtida Pan-Afrikaanistayaasha.

