Thursday, August 6, 2026
HomeWararDibaddaGuddoomiyaha degmada Cadaado oo qaabilay wafdi ka socda hay'adda WFP .

Guddoomiyaha degmada Cadaado oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda WFP .

Guddoomiyah degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka degmada Cabdixamiin Maxamed Cali (Shilin) iyo xoghayaha dowladda hoose Cabdiraxmaan Axmed Xirsi ayaa xarunta maamulka ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda WFP oo ay hogaaminaysay Nicolien oo ah madaxa nafaqada WFP ee Soomaaliya oo ay wehliyaan masuuliyiinta hay’adda u qaabilsan Galmudug.
Maamulka degmada iyo wafidga WFP ayaa ka wada hadlay xaaladaha deegaanka iyo baahiyaha ay wajahayaan bulshada jilicsan ee ku nool degamada Cadaado iyo deegaanada hoos yimaada.
Guddoomiyaha degmada Cadaado iyo ku xigeenkiisa ayaa u gudbiyay wafdiga WFP warbixin ku aaddan xaaladda adag oo ay wajahayaan dadka soo barakacay ee ku jira kaamamka degmada, waxaana ay ka dalbadeen in WFP ay siyaadiso kaalmada ay siiso dadka nugul ee degmada iyo deegaanada ku xeeran ku nool.
Ms Nicolien Madaxa nafaqada WFP ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhaw ugala shaqeyn doonaan maamulka degmada arimaha gargaarka iyo taakulaynta barakacayaasha.
Sidoo kale waxaa ay sheegtay in inta ay ku suganyihiin degmada ay u kuur gali doonaan xaaladda dadka liita ee gargaarka deg dega ah u baahan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe