Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon{sawiro}

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon{sawiro}

Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ubax lagu maamuusayo halgamayaashii u shahiiday halgankii xornimo doonka Soomaaliyeed maanta dhigay taalada Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo qeybo kamid ah bulshada ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ubaxa ku dhigayay taalada Daljirka Dahsoon.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka waxaa maanta ka socda munaasabado waa weyn oo lagu weeneynayo maalinta ay xoroobeen gobolada koonfureed ee Soomaaliya iyo midowga waqooyi iyo Koonfur.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana xuska ugu weyn ee munaasabadda 1-da Luulyo ay saakay ka socotaa garoonka weyn ee Muqdisho Stadium.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe