Friday, June 26, 2026
HomeWararGudahaSaney Cabdulle oo lagu wareejiyay saldhigyo ay ka baxeen Ciidamada ATMIS {sawiro}

Saney Cabdulle oo lagu wareejiyay saldhigyo ay ka baxeen Ciidamada ATMIS {sawiro}

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa bilaabay in ay ka baxaan qaar kamid ah xeryihii ay ku sugnaayeen, waxa ayna ciidankan saldhigyada ay ka baxeen ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha guutada 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka  Kornayl Saneey Cabdulle ayaa ciidanka ATMIS kala wareegay difaacyadii ay ka daganaayeen magaalooyinka Miirtaqwo, Xaaji Cali, iyo Cadale oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada ATMIS ayaana banneeyay saldhigyadii ay kaga sugnaayeen magaalooyinkan dhaca gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna fariisimihii ay ka baxeen ku wareejiyeen ciidanka xoogga dalka oo saldhigyo ka dhigan doona.

Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa bilaabaya in ay si tartiib tartiib ah saldhigyada ay joogaan ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka, ciidankan ayaana qorsheenaya in si buuxda ammaanka dalka ugu wareejiyay ciidanka xoogga dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe