Friday, June 26, 2026
HomeWararGudahaMilatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Xubin katirsanaa Jabhada Al Shabaab oo….

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Xubin katirsanaa Jabhada Al Shabaab oo….

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa soo bandhigay nin ay sheegeen in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , ninkan ayaana saraakiisha ciidanka sheegeen in si iskiis ah uga soo tagay Al Shabaab iskuna soo dhiibay ciidanka.

Ninkan ay soo bandhigeen ciidanka xoogga dalka ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Ibraahim Cabdi (Cali Garabey), waxa uuna ninkan sheegay in uu katirsanaa ciidanka jabhadaha Al Shabaab uuna ka qeyb qaatay dagaallo ka dhacay Gedo iyo Bay.

Wareysi uu warbaahinta dowladda siiyay ayuu Cali Garabey ku sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo goosto kooxdii uu katirsanaa ee Al Shabaab, isagoona tilmaamay in uu ka xumaaday dhibaatada ay kooxdan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ninkan ayaana ugu baaqay dagaalyahannada kale ee katirsan kooxda Al Shabaab in ay isaga soo baxaan kooxda , waxa uuna xusay in nolosha Al Shabaab dhaxdeeda ah ay ka wannaagsan tahay midda dowladda.

Ciidanka dowladda ayaa marar badan soo bandhigay xubno ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab, madaxda dowladda ayaana marar badan ugu baaqay ragga u dagaalama Al Shabaab in ay isku soo dhiibaan dowladda lana cafin doono.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe