Tuesday, April 21, 2026
HomeWararGudahaLaftagareen oo Ergayga cusub ee QM ka codsaday Taageridda Wajiga 2aad ee...

Laftagareen oo Ergayga cusub ee QM ka codsaday Taageridda Wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah AS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Ergeyga Cusub Qaramada Midoobay kala hadlay Arrimo ay kamid ahayeen Taageridda Wajiga 2-aad ee Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Xoojinta Hirgelinta Mashariicda Hormarineed iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha kusoo noqnoqday Deeganada Koonfur Galbeed.

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing ayaa Madaxweynaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uga mahadcelisay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Magaalada Baydhabo.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaartay Jun 5, 2023-ka ayaa kulama kala duwan la yeelatay Madaxweyanah JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynayaasha dowlad Gobaleedyada; Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed oo maanta ay la kulantay.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay booqasho ku kala tagto Magaalooyinka; Kismaayo, Dhuusamareeb iyo Hargeysa si ay ula kulanto Madaxda ugu sarreysa deegaanadaas, iyada oo kala hadli doonta xaaladda guud ee deegaannadooda iyo sidii loo xoojin karo wada shaqeynta Xafiisyadooda iyo kan Qaramada Midoobay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe