Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay ceyrisay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Dalkaas oo lagu magacaabo Volker Perthes kaddib markii ay ku eedeysay hurinta dagaalka ka socda waddankaas.
Madaxa Ciidamada Qalabka sida ee Suudaan Gen. Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa dhawaan Parthes ku eedeeyay in uu hurinayo colaadda ka jirta dalkiisa isaga oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in ay baddesho ergeygaan.
Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in siyaasigaan ay u adeegsadeen oraahda loo adeegsado marka diblumaasi la ceerinayo oo ah “Xasaanaddii Siyaasadeed ee joogitaanka ayaa kala laabanay” taasi oo ka dhigeysa in uu ergaygaas baxo.
Kahor inta uusan qarxin dagaalka ka dhacay Magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale oo Suudaan ah waxaa jiray dibadbaxyo cabasho ah oo Qaramada Midoobay looga dalbanayay in ay faragelinta ka deyso xaaladda Suudaan.
Dagaallada Suudaan waxaa ka dhashay dhimashada dad ka badan 100 ruux, dhaawaca boqolaalkale, barakaca dad aan tira-koob rasmi ah laga heyn iyo ajaanib badan oo waddankaas laga daadgureeyay halka qaar kale ay cagahooda ku baxsadeen.
Volker Perthes waa diblumaasi u dhashay Dalka Jarmalka, shaqooyin kale duwan ayuu kasoo qabtay xafiisyada Qaramada Midoobay isaga oo 65 sano jirkaan uu kasoo shaqeeyay waddamo kala duwan oo ah kuwa xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

