Sunday, October 5, 2025
HomeWararMW DG Jubbaland oo maamul cusub u magacaabay Gobolka Gedo.

MW DG Jubbaland oo maamul cusub u magacaabay Gobolka Gedo.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maamul cusub u magacaabay Gobolka Gedo oo muddo dheer uusan tegin mas’uul katirsan Dowlad-Goboleedkaas sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed oo ka jira Gobolkaas.

Madaxweyne Axmed Maxmed Islaam Madoobe ayaa mas’uuliyiinta uu magacaabay waxa uu kusoo daray xubno si dhaw u mucaaradkanaa shanti sano u dambeysay kuwaas oo eedeyn culus u jeediyay maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiintaan faray in ay qabtaan howlaha shaqo ee horyaalla si looga shaqeeyo dib u heshiisiinta oo udub dhexaad u ah isu socodka madaxda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland.

Mas’uuliyiinta uu magacaabay Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa kala ah:

1-Cabdullahi Cabdi Jaamac —Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

2-Cusmaan Nuux Xaaji ( Macalimu) —G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada.

3-Nasteex Cabdi Saalax —G/ Kuxigeenka Maaliyadda.

4-Ibrahim Madoobe Maxamed —G/Kuxigeenka Arrimaha Bulshada.

5-Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) —G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka.

Waxaa la dhowrayaa in sida uu shaqo galo maamulkaan cusub ee Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu u magacaabay Gobolka Gedo iyada oo aanay weli xal lasoo bandhigay laga gaarin khilaafka siyaasadeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe