Sunday, June 21, 2026
HomeWararWeerar lagu qaaday Saldhig kuyaalla degaanka Masagawaay & faah faahin kasoo baxeysa

Weerar lagu qaaday Saldhig kuyaalla degaanka Masagawaay & faah faahin kasoo baxeysa

Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa la sheegay in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weera ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in marka hore ay maqleen jugta qarax xoogan kadibna uu xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidamada xoogga dalka ay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada ay ka warqabeen, sidoo kalena ay dagaalka uga dileen Al-Shabaab xubno badan oo katirsan.

Sidoo kale Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidamada xoogga dalka ay degaanka Masagawaay oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ay ka wadaan howlgal ay ku daba jiraan Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab ee soo weeraray degaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe