Tuesday, May 26, 2026
HomeWararWararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay magaalada Laas-Caanood

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay magaalada Laas-Caanood

Dagaal xoogan ayaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la magac baxay SSC, waxaana ka dhashay khasaaro ka dhashay dagaalka.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Somaliland oo wada dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo kuwa degaanka ee SCC ay isku dhaceen, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in dagalka siweyn looga dareemaya degaannada u dhow Magaalada Laas-Caanood.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Somaliland ay tiro madaafiic ah ku garaaceen Xaafado katirsan magaalada Laas-Caanood, waxaana ka dhashay khasaaro ah burbur soo gaaray qaar kamid ah dhismayaasha kuyaalla magaalada laas-Caanood.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegaya inay halkaasi kajiraan dhaq dhaqaaqyo Ciidan, isla markaana dadka degaanka ay sheegeen inay cabsi dagaal dareemayaan madaama dhinacyada ay weli ishor-fadhiyaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe