Friday, June 26, 2026
HomeWararDagaal ka dhacay Laas-Caanood & Madaafiic lagu garaacay Magaalada

Dagaal ka dhacay Laas-Caanood & Madaafiic lagu garaacay Magaalada

Dagaal aad u xooganaa, isla markaana saacado badan qaatay ayaa saaka duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC.

Davaalka ayaa sigaar ah uga dhacay Bariga Magaalada Laas-Caanood iyo Aaga Saldhigga Ciidamada Somaliland ee Goojacadde, waxaana dagaalka Maanta ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil katirsan Ciidamada SSC ayaa Warbaahinta u sheegay in ay Ciidamada Somaliland kala wareegeen Saldhigyo horleh, sidoo kalena ay ka qabsadeen Gaadiid dagaal iyo Maxaabiis dhowr ah.

Wararka aan ka heleyno Gudaha Magaalada laas-Caanood ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah ay kusoo dhaceen Gudaha Magaalada, isa markaana burbur xoogan ay u geysteen Xarumo iyo guryo kuyaalla Magaalada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe