Thursday, June 25, 2026
HomeWararSomaliland oo beenisay in ay taagerto Shabaab.

Somaliland oo beenisay in ay taagerto Shabaab.

Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha Argagixisada ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga jawaabay hadalkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku sheegay in Soomaliland gacan-siiso Argagixisada.

Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan Puntland.

  • Puntland ayaa marar kala duwan Somaliland ku eedaysay in ay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin kooxaha Argagixisada balse Somaliland mar kasta waa beenisaa arrintaas.8
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe