Monday, May 25, 2026
HomeWararCiidamada dowladda oo markale la wareegay degaano katirsan Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda oo markale la wareegay degaano katirsan Shabeellaha Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabdiraxman Gacal,Gudoomiyaha Degmada Raagacelle, Korneyl Masdile saraakiil ciidan iyo mas’uulyiin kale ayaa gaaray Tuulooyinka Geefo, jabada carbeed ,biyo madoobe ,Dhalow ,Gowraar, Goldhabo iyo imaam Gowrac oo dhamaantood hoos taga Degmada Raagacelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Tuulooyinkaasi ayaa waxaa  la wareegay Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyed iyo ciidamada Degaanka oo iskaashanaya kadib matkii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa Bulshada ku nool Tuulooyinka u sheegay in laga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada iyo Maamulka

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa u balanqaaday in qofkii so sheega Al-Shabaab meelaha ay ku sugan yihiinXubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab la siin doono abaalmarin, dhalinyaradana laga doonayo iney iska dulqaadaan dhibaatada ay Al-Shabaab ku heyso dadka iyo Degaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe