Saturday, May 30, 2026
HomeWararDowladda Soomaaliya oo Nootaayooyinka uga digtay la macaamilka Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo Nootaayooyinka uga digtay la macaamilka Al-Shabaab

Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin adag oo laxiriirta lamacaamiilka Ururka Shabaab waxaa ay u dirtay nootaayooyinka kuyaalla Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu Sheegay inay soo gaartay cabasho ka timid qaar kamid ah Shacabka taas oo ah in qaar kamid ah Nootaatooyinka Muqdisho ay xogtooda la wadaagaan Al-Shabaab, taas oo ah fal dambi ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay Wasaaradda in cabashadaas ay u gudbiyeen Hay’adaha Amniga si loo baaro, Isla markaana Nootaayooyinkii lagu helaa ay Wasaaraddu ruqsadda kala noqoneyso

“Qofkasta oo lagu helaa gacan siinta Argagaxisada wuxuu muteeysanayaa ciqaabta ku qeexan xeerka xiqaabta Soomaaliyeed iyo xeerarka kale ee uu dalka leeyahay ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda.

Ugu dambeyn Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Shacabka inay Wasaaradda la soo wadaagaan ciddii ay ku ogaadaan inay xogtooda u gudbisay Ururka Al-Shabaab .

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe