Tuesday, May 26, 2026
HomeWararDowladda oo sheegtay in la bur buriyay Xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka...

Dowladda oo sheegtay in la bur buriyay Xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Baay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed   oo howlgalo qorsheeysan ka sameeyay degaano katirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay rurka 46-aad Guutad 8-aad Qeybta 60aad, waxana laga sameeyay degaannada kala ah War-iishe,  Keeysaneey, Buulo-jadiid, Raamo-cadooy, iyo Moodo Moodo.

sameeyeen Taliyaha Ururka 46-aad Xidigle Muxudiin Maxamed Xaaji ayaa Warbaahinta Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in Ciidanka ay bur buriyeen Xarumo iyo Maxkamad ay Al-Shabaab lahaayeen oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa degaannada iyo degmooyinka Gobolka Baay ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab ka saarayaan.

Degaano katirsan Gobolka Baay waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaa sidoo kale Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay sameeyaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo

QORAALADA LA XIRIIRA

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe