Tuesday, May 26, 2026
HomeWararSarkaal Maraykanka ugu baaqay in uu joojiyo iskaashiga uu la leeyahay Sucuudiga

Sarkaal Maraykanka ugu baaqay in uu joojiyo iskaashiga uu la leeyahay Sucuudiga

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Debedda ee Golaha Senateka Maraykanka, Robert Menendez ayaa ku baaqay in la hakiyo dhammaan iskaashiga Maraykanku uu la leeyahay dalka Sucuudiga, isaga oo si adag u muujinayey, sida Maraykanku uu uga carooday tallaabadii uu Sucuudigu qaaday, ee fursadda dhaqaale siinaysay dalka Ruushka.

Bayaan uu soo saaray Senator Menendez ayuu ku baaqay inaan wax hub ah laga iibin dalka Sucuudiga, isla markaana in la joojiyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal, marka laga reebo arrimaha lagama maarmaanka u ah danaha Maraykanka iyo difaaca amniga qaranka. Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa in ka badan 70 sannadood ah waxaa ka dhexeeya iskaashi dhinaca amniga ah iyo weliba heshiis dhinaca ganacsiga hubka ah.

Guddoomiyaha guddida arrimaha debedda ee golaha Senate-ka Menendez, ayaa ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, waxaana laga soo doortaa gobolka New Jersey. Wuxuu wacad ku maray “inaanu taageeri doonin nooc kasta oo ah, iskaashi lala yeesho Riyadh, illaa inta uu Sucuudigu dib uga qiimaynayo mowqifkooda ku saabsan dagaalka Ukrine” wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey “intaas ayaa nagu filan”

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe