Sunday, September 27, 2026
HomeWararTaliska AFRICOM ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama oo taliye cusub yeeshay

Taliska AFRICOM ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama oo taliye cusub yeeshay

Taliska Militeriga Maraykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa todobaadkaan yeelanaya taliye cusub, kaas oo lagu magacaabo Jeneraal Michael Langley.

Taliyaha cusub ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah oo gaaray darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh.

Aqalka Sanate-ka ee dalka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley oo loo magacaabay taliyaha ciidanka AFRICOM.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, gaar ahaan 9-ka Agoosto.

Wadamada ay ka howlgalaan ciidamada AFRICOM waxaa ku jirta Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ka caawiyaan la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Waxay AFRICOM gudaha Soomaaliya ka fulisaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kalena wuxuu taliskaasi tababarro siiyaa guutada Dana bee ciidamada xoogga Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe