Monday, May 25, 2026
HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladda Amniga Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay xaaladda Amniga Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha amniga magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in aan loo dulqaadan karin kooxaha dhibaatada ku haya dadka Shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan laga daba imaan dadka dambilayaasha ah markii ay gacanta kusoo dhiggaan ciidamada Ammaanka dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya aysan xabsi ku heyn doonin qof aan dambi laheyn sidaasi darted loo baahan yahay in fursad la siiyo baarista.

Waxaa uu ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada la shaqeeyaan sharcigana garab siiyaan.

Sidoo kale waxaa uu bogaadiyey nafhurnimada iyo halganka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo u tagaan xaqiijinta amniga

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe