Sunday, May 31, 2026
HomeWararRuushka iyo Ukraine oo Maanta heshiis kala saxiixanaya

Ruushka iyo Ukraine oo Maanta heshiis kala saxiixanaya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Jimcaha maanta ah ay Ruushka iyo Ukraine magaalada Istanbul ku kala saxiixa doonaan heshiis oggolaanaya in dib loo furo dekadda Odesa ee Badda Madow ee dalka Ukraine.

Tallaabadan ayaa fududeyn doonto in dib loo billaabo dhoofinta malaayin tan oo qamadi ah oo muddo bilooyin ah ku xayiran dekadaha Ukraine.

Dhoofinta qamadiga Ukraine ayaa hakad u galay duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine dhamaadki bishi Febraayo ee sannadkaan. Taasi waxay keentay qalalaaso ku yimid cuntada adduunka, gaar ahaan qamadiga, burka iyo rootiga.

Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka noqon doona, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo madaxda Turkiga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe