Monday, May 25, 2026
HomeWararAxmed Karaash oo shir deg deg ah la yeeshay Guddiga Amniga Gobolka...

Axmed Karaash oo shir deg deg ah la yeeshay Guddiga Amniga Gobolka Mudug

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo kusugan Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay kulan la qaatay guddiga Amniga gobolka Mudug.

Kulanka ayaa dhinacyadu waxaa ay uga wada hadleen  xoojinta Amniga guud ee gobolka iyo in Ciidamadu xiriir dhow la yeeshaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ayaa faray saraakiisha Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga.

Axmed Karaash ayaa shalay Magaalada Gaalkacyo u tegay baaritaanka weerarkii lagu qaaday dhawaan Guri uu Magaalada Gaalkacyo kaga sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe