Tuesday, May 26, 2026
HomeWararRW Rooble oo Midowga Yurub kala hadlay gurmadka dadka ay saameeysay abaarta

RW Rooble oo Midowga Yurub kala hadlay gurmadka dadka ay saameeysay abaarta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’aadminimada Predrag Avramovic.

Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub iyo kaalintooda ku aaddan gurmadka dadka soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in ay kordhiyaan taageeradooda Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladda bani’aadminimo ee ka dhalatay abaarta adag ee ka taagan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya Shirka Abaaraha dalalka Geeska Afrika, kaas oo dalal badan ay balan qaadyo sameeynayaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe