Tuesday, May 26, 2026
HomeWararSoomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay dalalka uu sameeyay dagaalka Ukraine iyo...

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay dalalka uu sameeyay dagaalka Ukraine iyo Ruushka

Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) waxa uu qorsheynayaa in uu ururiyo $1bn (£759m) muddo toddobaad gudihiis ah si uu u taageero wax soo saarka beeraha Afrika iyo in qaaradda laga ilaaliyo cunto yari ka dhalan karta duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Inta badan wadamada Afrika waxay ku tiirsan yihiin labada dal ee is haya sahaydooda.

Dalalka Soomaaliya, Benin, Masar iyo Suudaan ayaa kaalinta koowaad kaga jira liiska dalalka sida weyn ugu tiirsan Ruushka iyo Ukraine, iyadoo in ka badan 70% qamadigooda ay ka yimaadaan labada waddan.

“AfDB waxay u aragtaa kor u kaca qiimaha sarreenka, galleyda iyo digirta soya inay ka sii dari karto cunto yarida ayna sare u qaaddo sicir bararka,” ayuu yiri madaxweynaha AfDB Akinwumi Adesina.

“Iyada oo loo marayo sanduuqa, AfDB waxay beegsanaysaa inay kordhiso wax soo saarka bariiska sarreenka, galleyda iyo digirta soya iyadoo la isticmaalayo tignoolajiyada u adkaysata cimilada, oo ay ku jiraan noocyada dalagga u adkaysta kulaylka iyo abaaraha. Kala duwanaanshaha kulaylka u adkaysta ayaa horay loogu tijaabiyay Suudaan iyo Itoobiya”  ayuu mar kale yiri  madaxweynaha AfDB Akinwumi Adesina.

Sida laga soo xigtay Shirka Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarinta (UNCTAD), ugu yaraan 25 waddan oo Afrikaan ah ayaa ka soo dhoofsada in ka badan saddex meelood meel sarreenkooda Ruushka iyo Ukraine.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe