Wednesday, May 27, 2026
HomeWararJubbaland oo ku dhawaaqday inay kordhineyso la dagaalanka Al-Shabaab

Jubbaland oo ku dhawaaqday inay kordhineyso la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan dadka Shacabka, isla markaana maalin walba ay dilayaan.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan aysan cabsi gelineyn dilalka Al-Shabaab, wuxuuna ku baaqay in la sii kordhiyo dagaalka lagula jira Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in Bulshada Soomaaliyeed ay tashato kana hortagto waxkasta oo keeni kara falal Amni darro ee lagu dhibaateeynayo Shacabka.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Awqaafta iyo arrimaha diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Kismaayo uu shalay ka dhacay qarax Gaarigiisa lagu xiray  kuna veerigoodsy Sheekh Cabdibdinaasir Xaaji Axmed oo kamis ahaa Culimada Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe