Sunday, November 8, 2026
HomeWararXukuumadda oo ka hadashay geerida Maareeye kuxigeenkii Tiyaatarka Qaranka

Xukuumadda oo ka hadashay geerida Maareeye kuxigeenkii Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cusmaan Abokar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Maareeye ku xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Cabdikariin Faarax Jiir oo goordhaw ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo, sidoo kale qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan saaxiibadiisii shaqada ee wasaaradda warfaafinta ayuu u rajeeyey samir iyo iimaan.

Alle ha u Naxariistee Cabdi-kariin Faarax Qaarey oo ku magac dheeraa (Jiir) wuxuu sannadkii 1943dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug, isaga oo ifkankaga tegay siddeed carruur ah, afar wiil iyo afar gabdhood.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe