Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa sidoo kale ku taalla bar koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka sii galay madaxtooyada Soomaaliya oo ka agdhow halkaasi.
Xaaladda goobta ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

