Sunday, November 8, 2026
HomeWararCiidanka dowladda oo looga digay inay taageeraan musharrax gaar ah

Ciidanka dowladda oo looga digay inay taageeraan musharrax gaar ah

aliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka dhulka xooga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ayaa Maanta Dardaaran ujeediyay Ciidamada Guutada 5aad Qeybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka, waxaana Taliyihu uga digay Ciidamada qalabka sida si gaar ah Qeybta 27aad inay kumilmaan saaxada siyaasadda Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta ayaa Ciidamada u sheegay inay u shaqeeyaan Qaranka Soomaaliyeed islamarkaana ay ka fogaadaan wax walba oo wax u dhimaya qaranimada iyo Dowladnimada Dalka.

Sidoo kale waxaa Ciidamada la faray inay ka Digtoonaadaan inay taageeraan Musharax gaar ah, gaar ahaan Xubnaha xildoonka ah ee imaanaya Gobalka Hiiraan iyagoo isticmaalaya diriiska Ciidamada Qalabka sida

Kormeerkaan iyo Kulankaan wacya-galinta ah ee Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed uu Maanta ugu tegay Ciidamadaan ka Tirsan Guutada 5aad ee Qeybta 27aad waxaa Ku wahlinayay Taliyaha Guutada 5aad Korneel Baakay iyo Saraakiil ka Tirsan Qeybta 27aad ee XDS.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe