Sunday, May 31, 2026
HomeWararShirka Midowga Afrika oo ka furmaya Addis Ababa & Madax ka qeyb...

Shirka Midowga Afrika oo ka furmaya Addis Ababa & Madax ka qeyb galeysa

Waxaa lagu wadaa dhawaan in Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya in uu ka furmo kalfadhiga 35-aad ee Shir sanadeedka ee golaha Midowga Afrika.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb geli doona inta badan Madaxda dalalka Midowga Afrika oo ay Soomaaliya kujirto, waxaana looga hadlayaa Colaada Itoobiya & xaaladaha lajira dalka Suudaan.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa kusii qul qulaya Madaxweynayaasha wadamada Afrika, waxaana ilaa iyo hadda gaaray Madaxweynayaasha dalalka Senegal, Nigeria, iyo Jamhuuriyadda Malaawi, waxaana sidoo kale la fiayaa in Madax kale oo Afrikan ah ay tagaan Magaalada Addis Ababa.

Ammaanka Magaalada Addis Ababa ayaa aad loo adkeeyay, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & xoogaga TPLF ay weli ka socdaan Waqooyiga Itoobiya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe