Monday, May 25, 2026
HomeWararMareykanka oo diyaariyay Ciidamo wajaha xiisadda Ukraine & Ruushka

Mareykanka oo diyaariyay Ciidamo wajaha xiisadda Ukraine & Ruushka

Ku dhawaad 8,500 oo askarta Maraykanka ah una diyaarsan dagaal, ayaa ku jira heegan sare, xilli ay meel adag gaartay xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

Warkan ayaa ku soo beegmay xilli Ruushka uu beeniyay inuu tallaabo milateri ka qaadi rabo Ukraine, inkastoo uu 100,000 oo askari geeyay xuduudda labada waddan.

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in wadahadal telefoonka ah uu la yeesho xulafadiisa Yurub, si isku aragti ay uga noqdaan duulaanka laga cabsi qabo inuu qaado Ruushka.

Pentagon-ka ayaa sheegay in weli aan go’aan laga gaarin in ciidamadaas loo diro Yurub.

Waxaa go’aan noocaas ah la qaadan doonaa haddii ay ku talo-bixiso NATO ama ay isbedasho xaaladda Ukraine,” ayuu yiri afhayeenka Pentagon, John Kirby.

Dalal kamid ah NATO sida Denmark, Spain, Bulgaria iyo Netherlands ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib u diray bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolkaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe