Wednesday, June 10, 2026
HomeWararKhasaaro ka dhashay qarax lala beegsaday Ciidamo katirsan dowladda

Khasaaro ka dhashay qarax lala beegsaday Ciidamo katirsan dowladda

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa Maanta lagula beegsaday inta u dhaxaysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, waxaana ku dhintay hal askari halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qaraxa kadib Ciidanka dowladda ayaa sameeyay dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo miino baaris ah, kaas oo ay ka sameeyeen wadada u dhaxeeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin qaraxa, waxaana dhanka kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ay sheegteen inay dbimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen 15 kamid ah Askarta dowladda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe